X

Shiinaha oo war ka soo saaray gantaalkeeda dhulka ku soo dhacaya iyo Afrika oo ka mida

Shiinaha ayaa war ka soo saaray gantaalkeeda xumaaday ee dhulka ku soo socda ee la filayo inuu maanta ama berito qaybo ka mida soo dhacaan. Maraykanka ayaa faan awgeed sheegay inay waxyaabo awood u leeyihiin sida inay soo ridaan gantaalkan inta aanu iyaga ku soo dhicin.


Laakiin khuburada arimaha noocan oo kale ayaa sheegay inayna awood u lahayn inay soo ridaan qaybaha gantaalka ee aan ku burburi karin hawadeena kulul ee RABI inoogu talogalay inay inaga ilaaliso waxyaabaha ka soo go’aya dhulalka kale ee RABI kaliya cilmiga u leeyahay.

”Qorshaha nooguma jirto inaan soo ridno ayuu yiri wasiirka difaaca ee dalka Maraykanka waayo wuxuu ogyahay inayna awoodin maxaa yeelay waxay fursad keliya haystaan waa daqiiqo mar hadduu soo dhaafo hawadeena.


Khuburada Ruushka ayaa iyagu sheegay in qaybaha gantaalkani ku beegan yahay magaalada New Yook ee dalkaasi Maraykanka iyo magaalooyinka kale, waxase ay raaciyeen in qaaradaha kale sida Afrika uu soo gaari karo.

Si kastaba ha ahatee Shiinaha oo iyagu leh gantaalkan ayaa sheegay in qaybaha gantaalkani badankiisu ku burburi doonaan shucaaca kulul ee hawadeena inta soo hadheyna ay yartahay dhibka ay gaysan karto. Waxaba dhici karta inuu bad ku dhacayo ayay raaciyeen.


Shiinaha ayaa raba inuu cirka dhow ka samaysto saldhig is-gaarsiin oo ka caawiya xawaaraha internet-ka iyo saadaasha hawada dhinaca kalana ay u isticmaali karaan milatariga. Wadamo ay ka mid yihiin Bakistaan ayaa ka wareegay khadka Maraykanka ee loo yaqaan GPS.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.