X

Saddex ka mida musharixiintii Galmudug oo taageeray madaxa cusub

Saddex musharax oo ay wateen dawlado shisheeye oo iyaguna diidey inay is diiwaan geliyaan ayaa qoraalo gooni gooni ah ku taageeray madaxa cusub ee Galmudug Axmed Qoor-qoor.


”Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah.” ayuu yiri Kamaal Guutaale.


”Si kastaba ha ahaatee waxaan yaqiinsanahay in xaaladda dadka iyo deegaanka Galmudug aanu maanta xamili karin is qabqabsi hor leh oo horseedi kara in gebi ahaanba maamulku burburo, sidaas darteed waxaan go’aansaday in aan u tanaasulo maslaxada guud, uguna baaqo walaalaha kale in la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo maslaxada guud, waxaan u hanbalyeynayaa walaalkey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo shaley loo doortey madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo madaxweyne kuxigeenkiisa mudane Cali Daahir Ciid, waxaana eebe uga baryayaa inuu la garab-galo xilka culus iyo howsha balaaran ee u loo igmaday. ayuu yiri Cabdi Dheere.


”Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.” ayuu yiri C/llaahi Faarax Wehliye.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.