Sadex afhayeenadii hore ee barlamaanka ah oo ka soo jeeda Koofur galbeed oo hadda ah mucaarad is biirsadey ayaa ka qayliyay sadex arimood oo ay sheegeen waa in ay dhacdo.
Sadexdan ayan midkoodna ku tartamayn doorashada Koofur Galbeed ee sadexda jeer dib loo dhigey, ayagoo ku darsaday Mukhtaar Roobow inuu ka qaybgalo doorashada.
Afhayeenka barlamaanka oo u muuqda inuu hogaaminaayo mucaaradka bilaa qorshaha ah ayaa sheegay in lagama maarmaar ay tahay in sadex arimood la qabto.
In ay ka dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah
Ineysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebaayo Doorashada
Ciidanka Xamar laga rarey in ay tahay qalad.
Arimaha kor ku xusan ayaa laga yaabin in dawladu fuliso maadaama ay la xiriiraan arimo amni.
Doorashada Koofur Galbeed Ayaan la ogeyn cida dawladuy wadato ayadoo Meesha uu ka cararay fadhiid Shariif Xasan oo muddo soo joogey siyaasada Somalida.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS