X

Sadex cisho kaliya ayuu aroos ahaa markii lagu diley Muqdisho

Waxaxa baryahan dambe aad u batey dilalka loo gaysto wadeyaasha gaari hindiga loo yaqaano bajaajta ee Somaliya xilligii dawladnimada laga mamnuucay hadase burburka kadib si xoogleh u soo batey.

Allaha u naxariistee Cabdi Waaxid Jabriil Afrax, ayaa shalay lagu dilay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, kadib markii askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska uu dilay.


Dilka ayaa yimid kadib markii askariga iyo wadaha Mooto Bajaajta la dilay muran uu soo kala dhex galay, sidaasina uu askariga qoriga kula boobay wiilka dhalinyarada ahaa.

Dilalka loo gaysto wadeyaasha gaarigaas bajaajta ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtaa. Waa tan ugu horeysee inayna u hogaansamin amarka askarta feejigan ee wadada ilaalisa khatarna ugu jira in argagixisadu disho kadibna cararaan iyo askarta oo  ku degdega dilka.


Ehelada Marxuumka, ayaa sheegay in Marxuumka saddex Cisho oo kaliya uu aroos ahaa, islamarkaana wali uusan todobada ka bixin, waxaana xaaskiisa magaceeda lagu sheegay Saamiya Sulemaan Jaamac.

Ehelada Marxuumka, ayaa waxa ay dalbadeen in Cadaaladda la horkeeno dambiilihii dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa ee sida bareerka ugu toogtay Muqdisho.


Xalka ayaa noqonaya in askartana la baro sida loo samro haddii muran yimaadi oo ugu yaraan la joojiyo gaariga, dhalinyarta xoogsanaysana la baro inay amarka qaataan, wuxii intaas dhaafsana ay ka dacwoodaan intey murmi lahaayeen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.