X

Shirkada diyaaradaha Turkiga oo ka hadashay sababta ay u hakisay duulimaadyada Muqdisho

Shirkada diyaaradaha ee Turkiga ayaa war ka soo saartey sababta ay u hakisay duulimaadyada ay ku imaan lahayd magaalada Muqdisho horaanta bisha soo socota. Diyaarada ay bilowdey duulimaadyada muddo laba sanno iyo badh ku dhow. Shirkadan ayaa horseed u ahayd diyaaradaha caalimiga ee ka dega garoonka Muqdisho.


Qoraal kasoo baxay  Shirkadda ayaa lagu sheegay in sababo la xiriira ka guurista Garoonkii hore ee Ataturk ee Istambul oo loo wada guurayo garoonka cusub ee New Istanbul Airport., isla markaana Shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay inay dul qaataan.


Maalmaha ay duulimaadyada baaqan doonaan ee Bisha Abril ayaa shirkadda waxa ay ku sheegtay inay yihiin.
06 Abril 2019
07 Abril 2019
08 Abril 2019
09 Abril 2019
11 Abril 2019
13 Abril 2019
Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa todobadkii in ka badan Lix jeer waxa ay ku safri jireen kuna imaan jireen Diyaaradaha Shirkadda Turkiga, ayagoo u safra xaalado caafimaad iyo mid waxbarashaba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.