X

Sadex maamul goboleed oo isbahaysi samaystey iyo war-murtiyeed ay soo saareen

Kadib shirkii Garoowe ee shalay soo xirmey ee waxyaabo badan is-afgarad laga gaaray ayaa maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur galbeed isku raaceen inay si dhow u wada shaqeeyan oo xoojiyaan astaanta qaranimada.

Qodobada guud ee ay ka wada shaqayn doonaan ayaa waxa ugu weyn:


Dhameystirka ka shaqeynta arrimaha federaaleynta Soomaaliya, iyagoo kaashanaya maamullada kale iyo dowladda federaalka, Iyadoona Saddexda Maamul ay yeelanayaan iskaashi balaadhan.
Saddexda maamul waxay iskaashi ka yeelanayaan dhanka amniga iyo isweydaarsiga xogaha amniga, Waxayna Puntland diyaar u tahay taageerada maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.


Shirka saddexda maamul waxay taageereen war-murtiyeedkii wasiirrada qorsheynta ee dhawaan magaalada Garoowe ka dhacay, Dhinaca kale Shirku wuxuu taageerayaa war-murtiyeedka wasaaradaha maaliyadda ee maamullada ee ku saabsan qaadacaadda sharciga cashuuraha Dalka.

Waxay ku tilmaameen shirkii Garoowe mid lagu guulaystey xalkuna uuna shisheeye ku jirin ee uu ku Jiro Somalida dhexdeeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.