Prof Axmed Ismaacil Samatar oo maalmo kahor Hargeysa dib ugu soo laabtay ayaa markii u horreysay shaaciyey inuu si toos ah ugu biiraayo mid kamid ah Saddexda Xisbi Qaran ee Dalka, isagoon bulshada u iftiimin xisbiga ka iibiyey Hadaf Siyaasadeed oo uu la dhacay.
Haddaba, waxaynu faallo kooban bixin doona saameynta Prof. Axmed ku yeelanaayo saddexda xisbi Qaran midkuu ku biiro iyo sidoo kale, hadduu jiro han uu leeyahay mustaqbalka oo ku saabsan mansab xilleed xisbi ama xukuumadeed.
Aan ku horeyno hadduu jiro hunguri ka hayaa Kursi Madaxweyne ama ku xigeen saddexda xisbi ma uga banaan yihiin xisbiyada jago sidaasa.. jawaabtaasi waa haa oo jaanista labadaas jago midkood wuu u banaan yahay, halkeyse uga banaan yihiin saddexda xisbi.
Xisbiga Kulmiye waxa uu dhowaan Doortay Musharraxiintii ugu tartami lahayd Doorashadda soo socota ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka, iyaddoo shirweynihii shanaad ee xisbigaasi lagu soo doortay Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylci.
Sidaas daraadeed Prof. Axmed Ismaacil Samatar ugama banaan xil sare, hadduu Xisbiga Kulmiye ka doonaayo Wasiir, Xisbiga Kulmiye weli dalka ayuu haystaa oo wuu siin karaa wasiir am axil kale hadday ku qanciyaan, balse Prof. Samatar ma suggi karaa inuu hadda intuu ku biiro xisbiga Kulmiye kaldanbena uu isku soo sharraxo Musharraxa Kulmiye, Su’aashaas Jawaabteeddu waa maya, waayo Prof. Axmed Da’ ahaan waa Nin weyn oo hadda wixii ka danbeeya hawlahaas iyo kuwo kale toona ma geli karo.
Xisbiga Waddani weli muu dooran Musharaxiintii uga qaybgeli lahayd Doorashadda madaxtooyadda Madaxweyne iyo Ku-xigeen midna. Prof. Axmed Ismaacil Samatar hadduu ku biiro wuxuu u tartami karaa inuu isku soo taago Musharaxa guud wallow uu jiro culeys aanu ka gudbi karayn oo ku gaadheyn Musharaxa madaxweynaha Xisbi Waddani iyo beeshiisa oo ku mitidaya in ay tahay markoodii ay aarghoosan lahaayeen, iyo waliba isagoo u hurey dhaqaale maskax badana kusoo dhisay xisbiga.
Sidoo kalena haystaa awood aan la loodi karayn dhinaca kaaderiinta Xisbiga ama xubnaha golaha dhexe oo iyagu gacanta ugu jira dhamaan BEESHA C/raxmaan Ciro.
Waxa kaloo, uu Xisbiga Waddani uu ku tartami karaa Prof. Axmed Samatar jagada Madaxweyne ku-xigeenka, kaasoo inta badan xisbiyadda beesha kaliya ka soo jeeda siiyaan Beesha uu hayb ahaan kasoo jeedo, hadana waxa horyaala oo ku gudban caqabado, inkastoo jaaniska keliya ee ugu muhiimsan xisbiga waddani u yaala uu yahay.
haddana booska Musharraxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Waddani ragbaa kaadidooda usoo cabbay cudud iyo dhaqaale-na geliyey, kuwaasoo isku wada hayb ah ugana soo horeeyeen xisbiga Prof. Axmed, isla markaana ayna rabin in uu sharaftiisa horeba u dhimatey hadana meel bilaa manfaca waqtigiisa ku lumin.
Xisbiga Ucid wuu ka duwan yahay labadaas xisbi ee kale, waxanu isaggu leeyahay Musharrax Madaxweyne oo keliya, kaasoo ah aqoonyahan Jamaal cali Xuseen oo ay si xeel-dheer saaxibo dhow u yihiin Prof. Axmed Ismaacil Samatar , waxana ka banaan Booska Musharaxa Madaxweyne-kuxigeen.
Oo hore uu isaga casiley aqoonyahan Cabdirashid Xasan Mataan hadana ku qancay jagada sida xooga ah u madhan ee afhayeenka. Sidoo kale, Xisbiga Ucid dad badani ay u arkaan hadduu ku biiro inuu fursad u heli karo Prof. Samatar jagada Musharrax Ku-xigeenka Xisbigaas oo uu ka qaato meel cidlo ah.
Cidina aanay kula tartamin. Hase-yeeshee waxa Xisbiga Ucid ka dhex jiraa cudur ba’an kaasoo aqoonyahanka laftiisu in badan ka hadlay oo la yidhaahdo Khilaaf.
Waxana uu hadda xisbigu ku jiraa dacwad u dhaxaysa hogaanka sare ee xisbiga oo kala ah Gudoomiyaha iyo Musharraxa oo wata xisbiga intiisi badnayd.
Hadana dadka lafa-gura Siyaasaddu waxay sheegayaan in Prof. Axmed Samatar uu xal u noqon karo xisbiga Ucid, isla markaana hadii ay jaanta isla helaan aqoonyahan Jamaal iyo Prof. Axmed inay wax badan ka bedeli karaan sida maamulka Somaliland ee beesha kaliya ah u shaqeeyo…
Taas oo ka dhigeysa in hadda ay u ogolyihiin oo KALIYA in uu afhayeen u noqdo dhamaan sadexda xisbi ee isku beesha ihi.
Qalinkii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay