X

Safiir muddo kadib loo magacaabay dalkaasi Maraykanka

Muddo sanad ah kadib dawlada Soomaaliya ayaa safiir u magacowdey dalka Mareykanka booskaas oo banaanaa kadib markii safiirkii u joogay dalkaasi mareykanka ee Axmed Ciise Cawad loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Safiirka Cususb ee Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka ee Cali Shariif Axmed ayaa horay waxaa uu u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Faransiiska.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Afar sano ah haayay xilka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka oo loo Magacaabay sanadkii 2015-kii.

Dhawaan ayaa la filayaa in danjire Cali Shariif Axmed uu u ambabaxo dalka Mareykanka si uu ula wareego Shaqadii safiirnimo, isla markaana uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.


Waxa soo xoogeysanaya safiirada dhiibanaya waraaqaha aqoonsi ee dalalka caalamka.

Xagjir Taram ayaa caaya Somaliya asagoo caydaas u mariya xildhibaanada Ilhan Cumar. Somaliya oo Farmaajo ka taliyo kama hadli karo caydaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.