X

Safiir Somaliyeed miyaa u hiiliyay Yuhuuda

Wararka ka soo baxaya wasaarada arimaha dibedda ee Somaliya ayaa sheegaya in wasaaradu si deg dega ugu yeertay safiirkeedii u fadhiyay midowga Yurub oo ah haweenay lagu magacaabo Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Shalay dood ka jirtey xarunta midowga Yurub ayaa la yaabweyn ku noqotey dadka Somaliyeed.


Danjirahan Somaliya u fadhiya Jiniifa ayaa ka aamustey dood gacantaag ahayd xasaasina ahayd oo ku saabsanayd aqoonsi uu Trum siiyay in Yuhuudu leedahay buurahaa Golan ee ay ka qabsatey Suuriya.

Yuhuuda ayaa dhufaysyo waaweyn ka qodatey buurahaas oo ay ugu talogashay inay ku sii nagaato weligeed. Jabkii Carabta ee Masaaridu gaarsiisay ayaa keenay in Yuhuudu qabsato dhul badan.

P


Fadeexada ugu weyn ayaa ah maxaa ku kalifey danjirehaas inay ka aamusto arin sidaa u xasaasiya, ma aqligeedaan ku filneyn mise waxay haysataa dhalasho wadan kale ah.


Danjirahan ayaa dib loogu yeeray waxayse dadka badankiisu qabaan haday iyadu falkaas keligeed gashay in aan loo baah eyn in loo yeero ee hore laga bedelo, halka dadka qaar leeyihiin waxay mudan tahay xarig.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.