X

Waa maxay muhiimada ay ciidan u leedahay tirakoob: Indha Qarshe

Waxaa la ogaa in dalky aanu ciidan lahaun laakiin uu leeyahau ciidan beeleedyo ku nasxay magaca dawlada qaateyna magaca sharaftii ciidanka xooga dalka ee la yaqaanay, ayaga dartoodna uu aduunku inoola coloovay weerarna inagu soo qaadey ayagoo adeegsanaya kuwo inaga mida


Musuqa ugu xun wuxuu ka jirey ciidanka jooga Muqdisho iyo agagaarkeeda oo inta badan ahaa maleeshiyo kooxeedyadii iscuni jirey oo markii argagixisada la jabiyayna dib iskh habeeyay loona xirey dharkii ciidanka.

“Waxa ka buuxa argagixiso mararka qaarkood dharkii ciidanka xiran oo xasuuqyo gaysta, waxana dadku qabaan dhivaatooyin ay ka mid yihiin dilal iyo iyagoo dhexdooda is dagaala. Taadna qaran laguna noqon karo.


Maleeshiyo beeleedyada waxa ka mud ahaa kuwo dhawaan sheegay inay ja,soo baxeen furinta, waxna laga siiyay hubka dawladu keensato ee yar. Hadaba taliyaha ciidanka oo sharaxaya muhiimada ay keedahay tirakoovku ayaa yiri.

Maadaama ay dareensan yihiin in loo baahan yahay nidaam sax ah in la marsiiyo Ciidamada oo lagu tirakoobo, maadaama Ciidanka xeryo iyo hub ay u baahan yihiin, balse intaasi ay ka horeyso helitaanka tirada saxda ah ee ciidanka.


Waxaan ogahay kii wadaniga ahaay ee Somaliga ee dalkiisa u damqanaya ee ay dhibeyso qaraxa shacabkiisa lagu haayo inuu ku haraayo Ciidankiisa barkee waa muwaadin nadiif ah, kan aan damiirka laheyn qabiilkaa dilooday, nidaamkiisa uusan marnaba hagaageyn waxaan ogahay inuu ka baxaayo Ciidanka sida uu ku ruqseestaba.” ayuu raaciyay


admin:

This website uses cookies.