November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Safiir Somaliyeed oo si cajiiba loogu soo dhaweeeyay Bakistaan

Safiirada cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta dalka Bakistan Khadiija Maxamed Al-makhsuumi ayaa si la yaab leh loogu soo dhoweeyay qasriga madaxtooyada dalkaasi, iyadoo lebisneyd dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Madaxweynaha Bakistan Ma’mun Xuseen ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada Khadiija Maxamed Al-makhsuumi oo horay u ahayd danjiraha Somalia ee dalka Ciraaq loona bedelay dalka Baksitan.

Safiiradda ayaa Qaabilaaddeeda si wanaagsan loo maamuusay, iyadoo loo garaacay Astaanta Qaran ee Somalia, isla markaana cutubyo ciidanka dalka Bakistan ka tirsan ka qaadatay salaan-sharaf.

Khadiija Maxameed Al-makhsuumi, ayaa safiir kasoo noqotay Dalka Ciraaq iyadoo ahayd Safiiraddii ugu horreysay ee Soomaaliya u soo Magacawday dalka Ciraaq tan iyo burburkii Somalia. Waana xaas u dhaxda madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Khadiija

Khadiija1

Khadiija2

khadiijo

Khadiijo1

khadiijo2

khadiijo3

khadiijo4

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS