Safiirka Ingiriiska u fadhiya Somaliya ayaa geed saaray aqoonsiga maamulka Somaliland xilli suaalo laga waydiiyay waxa Ingiriisku u aqoonsan waayay maamulka is magacaabay ilaa burburkii qaranka.
Mar ay ka jawaabaysay ayay tiri haweenayda Mrs Harriet Mathew ”mowqifka Ingiriisku waa iska cadyahay wuxuuna ku xiran yahay mowqifka midowga Yurub, kan Afrika iyo Maraykanka oo ah arin iyaga u oolin waana ta Ingiriisku uga faaiideystay shirkii uu u qabtey Somalida xilligii maamulkii fadhiid Sheekh Shariif in la yiraa wadahadla.
Haweenayda oo waday hadalkeeda ayaa tiri ”dawladooda Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Denmark ay gacan ka gaysteen diiwaangelinta cod bixiyayaasha Somaliland iyadoo qalabka la adeegsanayo ku tilmaantay mid casri ah oo ku yar dunida,
“Waxa kale oo aanu dawladda Somaliland kala shaqaynaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka iyo sidoo kale abaartii u dambaysay. Xidhiidhkayaga Somaliland waa mid qoto dheer. Markaan Somaliland eego, waxay tusaale cajiib ah u tahay halka ay gaadhi karto inta kale ee Somaliya.”
Amaantaasi kore ayaa ka maqan tan gudaha ka jirta oo lagu canaanto Ingiriiska in uu iska indhatiro ilaa ay gaarto heer la eryado taageerayaasha uu ku leeyahay Hargeysa iyo Burco kadibna uu soo farogeliyo.
Haweenayda ayaa sidoo kale tilmaantey in ay jiraan wadahadal u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdiho waa sida ahadalka u dhigtee kaas oo loo macnaysay in uu yahay mid u dhexeeya lab jufo ee Hawiye iyo Isaaq.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay