08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Safiirka Somaliya u fadhin doona Kiiniya oo dharka dhaqanka Somaliyeed ku dhiibtey waraaqihiisa

Safiirka Somaliya u fadhin doona Kiiniya ayaa dharka dhaqankeena ku dhiibtey waraaqihiisa kadib manta oo uu la kulmrey madaxweynaha Kiiniya Kenyatta.

Safiirka cusub oo ay dowlada Soomaaliya u soo magacawday dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi shir jaraa’id ku qabtay uu madaxweyne Uhuru ka gudoomay waraaqihiisa aqoonsiga ayaa sheegay in uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa.

Danjire Jamaal ayaa sheegay in uu sii amba qaadi qaadi doono shaqadii uu hayay safiirkii ka horeeyay,isagoo sheegay in sii wadi doono xiriirka diblomaasi iyo midka saaxiinbtinimo ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kiiniya.

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay shaqaalaha ka shaqeeya safaarada soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi,waxana uu ku booriyay in ay sii wadaan shaqada ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Danjiraha cusub oo ay dowlada Soomaaliya u soo magacwday dalka Kenya ayaa waxa uu ka mid ahaa tiro dajirayaal ah oo uu madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta maanta ka gudoomay waraaqahooda safiirnimo.

11223329_1114195848608967_3626019634900352164_n[1] 11241429_1194237290602115_3925747700001065538_n[1] 11781791_1194237270602117_6843332335690335510_n[1] 11796255_1194237213935456_8225175195014772766_n-1[1]

11825091_1114195661942319_826489580933878857_n1[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM