X

Safiirka Turkiga ee Somaliya oo gaaray deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug: SAWIRO

Safiirka Turkiga ee Somaliya ayaa gaaray deegaanka Hobyo ee gobolka Mudug. Waxaana safiirka uga horeeyay degmada oo ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.



Turkiga ayaa mashaariic ka fuliya Koofurta Somaliya gaar ahaan Muqdisho, waxana dhici karta inay maalgashadaan dekedda Hobyo lana wareegaan. Dekadaas oo wax u tari doonta deegano balaaran.



Somaliya ayaa waxa ku tartamaya urur diimeedyada Carabta ee Wahaabiyada iyo Akhwaan Muslimiinta oo ay ugu xoogweyn yihiin Sucuudiga iyo Turkiga iyo kuwa hoostaga iyaga.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo dhagax dhigey dekedda Hobyo isla markaana guddi u saaray dabagasha mashaariicda uu dhagax dhigey.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.