X

Safiirkii Soomaaliya ee Masar iyo jaamacada Carabta oo Kooro u dhintey

Danjire Cabdiqani Maxamed Wacays ayaa ku geeriyooday magaalada Kuwayd ee dalkaasi Kuwayd. Danjiraha ayaa la sheegay inuu u dhintey xanuunka Kooro oo laga helay kadib uu galay isbitaal ku taala Kuwayd.


Wuxuu safiirku dalku u fadhiya Masar Isla markaana ahaa wakiilka uga ahaa ururka jaamacada Carabta. Wuxuu sanado badan ka soo shaqeeyay wasaaradii arimaha dibedda ee dawladi dhexe ee dalka.


Madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Xasan Cali ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuun Cabdiqani. Ruug cadaa Cabdiqani ayaa mudooyinka uu ahaa danjiraha ka soo shaqeeyay wadamo farabadan iyo weliba soo qabtey shaqooyin kala duwan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.