X

Tiradii ugu badneyd oo ka bogsootey cudurka Kooro

Wasiirada caafimaadka dawlada dhexe ee Somaliya ayaa oo warbixinteedii maalinlaha ahayd soo gudbisay ayaa sheegtay in tiro aad u badan oo ka kaceen cudurka Kooro. Gobolada dalka sida mamulka Somalilaan ayaa hadda tiro badan ku soo kordheysaa markii loo geeyay qalabka baara.


Wasiirka caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somalilaan 17 iyo Butlaan 17.


Bukaanada cusub 41 ka mida waa rag 16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha ee dalkoo dhan laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 qof.


Marwo Foosiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo Kooro si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.