05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Salaadiinta beelaha Maxamed Case (Samaroon) oo ka gariirey suldaan guud oo beesha Habar Muuse yeelatay+MUUQAAL

Boorama–Salaadiinta beelaha Maxamed Case (Samaroon) ayaa ka gariirey suldaan ay yeelatay Habar Muuse..salaadiinta oo midba kol hadlay ayaa sheegay in ay shabakadaha ka akhriyeen suldaanka la magacaabay..waxayna ku adkaysteen in beelaha la sheegayo ee Habar Muuse mid waliba iskeed u leedahay suldaan u gooni.

Waxana isla goobta ka hadlay suldaanada jufooyinka Maxamed Case oo iyagu sheegay in ay jiraan wax ayna ogeyn oo soo bixi doona laakiin iyagu ay yihiin kuwii dhabta ahaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS