Waxa ilaa in muddo ah soo socotey sheekada in Imaaraadka laga kireeyay dekedda Berbera. Waxase arintaasi markii uga horeysay faahfaahiyay Sacad Cali Shire oo maamulka Somaliland u qaabilsan maaliyada horena u ahaa arimaha dibedda.
Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Imaaraadku kireysan saldhiga milatari ee uu kaga duulayo Yaman asagoo hoosta ka wata xulafada Ingiriiska, Yuhuuda, iyo Sucuudiga ee lagu bedeshay wado uu ka dhiso Berbera iyo Hargeysa.
Qarxintan wasiirka ayaan hore loo ogeyn ayadoo heshiiska dhan hoos ahaan ay lacagtooda u qaateen xertii Siilaanyo ku wareegsanayd.
Wuxuu dhibaca kale sheegay in dekedda ay ku kireyeen 5 milyan oo doolar. Lacagtaas oo aan la ogeyn halka ay marto ayadoo la sheego kaliya in lagu daro miisaaniyadda.
Fikradda dekedo kireybtasaayaa asalkeedii hore ka timi Ingiriisja oo looga gol lahaa in maamulka Somaliland yeesho qarash uu ku socdo.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn
Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan
Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan