X

Saldhigii argagixisada ugu weynaa ee Shabeelaha dhexe oo loo daatey

Saldhigii argagixisada ugu weynaa ee Shabeelaha dhexe ayaa loo daatey isla markaana la burburiyay. Ciidanka kumaandoosta ee Danab ayaa xaqiijiyay In ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneed ee argagixisada.

Afhayeenka xukuumada C/casiis xildhibaan

G/sare Axmed Cabdullahi Sheekh Taliyaha ciidamada howlgalka sameeyay oo la hadlay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in hawlgal Gaar ah ay ka fuliyeen degaanka Leego.



Gaashaanle Sare Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska ay hawlgalka ku dileen ciidamo fara badan oo ka tirsan argagixisada iyo horjoogayaashooda kuwaasi oo wadarta tiradooda uu ku sheegay 10 ruux.



Waxaa sii xoogeeysanaya howlagalada lagu bartilmameedsanayo horjoogayaasha argagixisada Shabaab oo ay sameenayaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo tayadoodu sii baaheyso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.