20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sanadguuradii koowaad ee madaxweyne Farmaajo oo ciidamada loo qaybiyay xoolo: SAWIRO

Sanadguuradii koowaad ee madaxweyne Farmaajo oo ciidamada loo qaybiyay xoolo nool oo qashaan.

Maanta oo ku beegan 8-da Bisha Feebarweri ayaa ah Sanad-guuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana jira siyaabo badan oo loo xusayo.



Xerooyinka iyo furumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay Xoolo Nool kuwaas oo loo qeybiyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Askari walba oo ku sugan xerooyinka Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa waxaa la siinayay hal neef oo Ari ah.



Waxa tani garab socotey teendhooyin laga taagay magaalada Muqdisho oo dadka danyarta ah loogu qaybinayay raashin iyo waxyaabo kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS