X

Saraakiil Somali ah oo ka qaybgalaya dhoolatus ka bilaabay Jiddah iyo ujeedada

Saraakiil Somali ah ayaa ka qaybgalaya dhoolatus milateri oo ka bilaabay magaalada xeebta ah ee Jiddah ee ay ka taliyan qoyska Sucuudi Careebiya. Dhoolatuskan ayaa looga gol-leeyahay isku imaad dhinaca badda cas ah oo xulafada Wahaabiyada Sucuudigu kula jiraan Iiraan.


Inkastoo maraakiib Maraykana ay joogaan badda cas oo lacagtooda uu bixiyo Sucuudiga iyo Imaaraadku hadana waxay tusayaan Iiraan oo ay colaad gaara kala dhaxayso inay is difaaci karaan badana difaacan karaan.


Wadamada dhoolatuskan ku jira ayaa waxa ka mida wadamada wadaaga badda cas ee ay ka mid yihiin Somaliya, Urdun, Sucuudiga, Masar iyo Suudaan. Wadamada ayaa badankoodu yihiin wadamo fiqiira qaarna aan jirinba sida Somaliya, iyo Yaman.


Saraakiisha Somalida ayaa iyagu ahaa daawadeyaal laakiin aan ka qaybgelin dhoolatiska.

Si kastaba ha ahaatee waxba ka bedeli mayso haddii aanu Maraykanku ilaalin badda Sucuudiga ee uu hadda ilaaliyo ayuu yiri khabiir dhinaca amniga ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.