X

Saraakiisha amniga oo soo bandhigtey dhiigmiirad isa soo dhiibay

Saraakiisha amniga ayaa bandhigey dhiigmiirad ka tirsan argagixisada shabaab oo isa soo dhiibay. Dhiigmiiradkan oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow ayaa saxaafada u sheegay inuu dhiig badan daadiyay.


”Muddo sideed sanno ah ayaa ka tirsanaa dhiigmiiratada shabaab waxaan ka mid ahaa ciidankooda wax gumaada, waxaanan ka qayb galay dagaalo farobadan oo inta badan ka dhacay Jubooyinka iyo Baay ayu yiri dhiigmiirad Ciise.



” Markii aan arkay inaan daadinayo dhiig muslim keliya ayaa go’aansaday inaan dhibka ka daayo dadka Somaliyeed ee wada muslimka ah ayuu yiri Ciise. Saraakiisha amniga ayaa iyaguna sheegay inay Ciise uga mahadcelinayaan inuu hadda gartey inuu isa soo dhiibo.

Dhiigmiiratada Shabaab ee isa soo dhiiba ayaa inta badan lagu xereeyaa xero halkaas oo laysku dayo in la dhaqan celinyo lana baro diinta saxda ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.