X

Sarkaal argagixisada shabaab ka xoreeyay magaalo oo la dalacsiiyay: SAWIRO

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay booqday difaacyada  Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire  ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dalacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay  weerarkii Wahaabiyada  kooxda gaalaynta looga xoreeyay.


Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo arkay geesinimada  iyo isku duubnaanta ciidanka ayaa Isla bartaa ku dalacsiiyay sarkaal  Cabdi Cali Raagge oo ahaa Sarkaalkii hogaaminaayay Una dalacsiiyay gaashaanle. Cabdi Raage ayaa ahaa dhamme.

Sidoo kale gaashaanle  Cabdi Cali Raagge  ayaa waxaala guuddoonsiiyay Shahaado la sheegay in uu ku muteystay karti iyo waxqabad uu muujiyay.


Ciidanka xooga oo aan la Rabin inuu hano qaadi ayaa muujiyay Karti dheeraada markii uu gobolka Shabeelaha Ka xoreeyay degmooyin silic ku moolaa iyo baad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.