X

Ingiriisku muxuu u doortey inuu Baydhabo ka furo xarun tababar ciidan

Somaliya siiba Koofurta dalka ayaa la ciirciiraysa wadamo shisheeye oo maamul jufeedyada u tababara ciidamo. Ujeedada guud ayaa ah in dalku lahaado ciidamo Ka madax banaan dawlada dhexe oo hoostaga maamul iufeedka iyo shisheeyaha.



Ujeedada Ingiriisku Ka leeyahay Inuu zero ciidan lagu tababaro Ka furto gobolada Bay iyo Bakool ayaa ah inuu saaxiibo ku yeesho Koofurta dalka halka uu gacanta ku hayo Woqooyiga Somaliya.

Dadka Bay iyo Bakool ayuu dareensan yahay in luqadoodu Ka duwan tahay Somalida kale noqona Kara goob ay kicin karaan haday helaan rag la shaqeeya.



Laakiin ma oga in reer Bay iyo Bakool ay yihiin Somali dhalada oo aan lagu duufsan Karin goosad iyo wax la mida.

Ta kale wuxuu tartan Kula jiraa Turkiga oo ciidan lagu diirsan Karo u tababara dawlada dhexe inkastoo ciidan kasta oo la tababaro u baahan yihiin in la geliyo wadanimada Somaliyeed.



Somaliya ma u baahan shisheeye ciidan u tababara?

Su’aashaas jawaabteeda oo kooban waa maya waayo wadan kasta isagaa ciidankiisa tababara gashana dhaqankiisa iyo wadanimadiisa.

Dawlada Somaliya ee hadda jirta wey la socotaa arimahaas made awoodo inay yiraa MAYA lacagta na siiya anagoo tababarka ku filane.



Si kastaba ha ahaatee waxaan shiki ku jirin in cadowyada dalku Rabin in Somaliya weligeed lahaanin ciidan xora oo awoodleh. Waxaan kow Ka ah argagixisada Wahaabiyada ee Shabaab iyo Ingiriisku iyo xulafadiisa geeska Afrika.

Xerada uu Ingiriisku Ka furtey Baydhabo waa in dawladu xirto si dalka looga badbaadiyo khiyaamada uu Ka wado ee baahan ilaa Kismaayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.