Sarkaal ka tirsan argagixisada Shabaab ayaa isa soo dhiibey. Sarkaalkan baxsadka ah ayaa saaxiibadii argagixisada u sheegay inuu soo eeganayo beer uu ku lahaa Baydhabo.
Ninkan oo lagu magaacbo Macalin C/raxmaan ayaa ka soo cararay kooxdii uu ku jirey waxana hadda gacanta ku haya Ciidanka Koonfur Galbeed gaar ahaan Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan.
Tan iyo markii degaanada Koonfur Galbeed uu gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa jirtay in ay isa soo dhiibayeen xubnaha kooxda gaalaynta Shabaab ka tirsan ee sida dhuumaaleysiga ah ku jooga magaalada Baydhabo,.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay