X

Afar xidigleh Maraykana oo qirtey inaan Iiraan la weerari karin

Afar xidigleh Maraykana ayaa markii ugu horeysay qirtey in weerar lagu qaado Iiraan ay ka imaan karto halis dhinac walba ah siiba Yuhuuda oo ay Xisbullah iyo Suuriya kaabiga ku hayaan. Awooda Iiraan leedahay maaha mid la dhayalsan karo ayuu raaciyay.


Afar xidiglahan qayb ka ahaa dagaalkii Maraykanka oo xulufo wata uu ku qaaday Ciraaq ayaa sheegay in awooda Iiraan ayna jirin mid loo babac dhigo ama ah dal si fudud looga adkaan karo.


”Waxa Yuhuuda ku soo maqan boqol nooc oo gantaal oo midba dhinac kaa soo geli kara qaarkoodna ayba adag tahay sida la isaga difaacaaayay Iiraan haysataa ayuu yiri afar xidiglahan.



Qirashada afar xidiglahan ayaa imaanaysa in Yuhuudu sheegatay in keli weerari doonto Iiraan taasoo beena.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.