X

Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaysa dagaalkii Saax-maygaag

Dagaal faraha looga gubtey ayaa ka dhacay deegaanka Saax-maygaag ee ka tirsan gobolka Sool halkaas oo markii hore isku dagaaleen laba jufo oo ka tirsan Dhulbahante iyo Majeerteen laakiin markii dambe ay toos uga qaybgaleen askarta Butlaan.


Waxa wararku sheegayaan in ciidamo taabacsanaa Axmed Karaash ay dib uga noqdeen aagaas Saax maygaag halka kuwa Majeerteen ay iyagu joogeen kadibna ay dagaal la safteen jufada Majeerteen ee aagaas hunguretsan.


Waxa taariikh ahaan iyo gobol ahaan la cadeeyay in deegaanku ka tirsan yahay gobolka Sool. Waxase lama filaan cidkasta ku noqotey in ciidankii horjooge Siciid Deni uu la saftey jufadooda.



Dhimashada dagaalkan ayaa lagu qiyaasay boqol qof halka dhaawacuna ciir ciirayo deegaanka. Waxa deegaanka hadda jooga maleeshiyada Dhulbahante. ”Dhimasho badan oo aan loo baahnayn ayaa goobta ka dhacday.

Hoos ka daawo

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.