November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sarkaal u dhashay Jabuuti oo loo magacaabay taliyaha cusub ee Amisom waase kuma

Midowga Afrika ayaa Taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada AMISOM ee jooga Somaaliya sida ay faafisay Wakaalada wararka ee dalka Jabuuti. Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM.

Sida ay Wakaaladu qortay taliyaha cusub ayaa hogaamin doona 22-ka kun oo askari kuwaasoo hoos yimaada howlgalka AMISOM kana socda dhowr dal oo ka tirsan bariga Afrika. Jen. Subagle ayaa xilka kala wareegaya Jen. u dhashay wadanka Kenya oo xilkan hayey laga soo billaabo dhamaadkii bishii Disember ee sanadkii 2015kii.

Taliyaha cusub ee loo soo magaagaacay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jen. Cismaan Nuur Subagle ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada Jabuuti ka jooga Somalia kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM, waxayna ciidamadaas ka howlgalaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS