Dhacdo aad looga sheekeeyay ayaa ka dhacday dalkaasi Swiserland halkaas oo haweeney ka mid ahayd ciidanka Ilaaladda xabsi ku yaala Caasimadda Switzerland ay jacayl daran u qaatay maxbuus u dhashay dalka Syria oo kufsi u xirnaa.
Xabsiga ninkani kufsiga u xirnaa ayaa lagu magacaabaa Limmattal Prison wuxuuna ku yaalaa duleedka magaaladda Zurich.
Ninka Maxbuuska ayaa lagu magacaabaa Xasan Kiiko waxa uu ku xukunaa xabsi 4-sanno ah, kadib, markii lagu helay fal kufsi ahaa.
Waxa uu dalka Switzerland yimid sannadkii 2010-kii oo laga siiyey Magangelyo Qaxootinimo, isagoo sheegtay inuu ka soo cararay Rejiimka dalka Syria.
Waxa uu ku shaqeysan jirey Timo-jare, ka hor inta uusan geysanin fal kufsi ah sannadkii 2011-kii, iyadoo ay Maxkamaddi ku xukuntay Xabsi 4 sanno ah.
Boliska dalkaasi ayaa ka cabsi qaba in Maxbuuska iyo Askariyadda inay dalkaasi ka baxeen habeenkii Isniinka ee la soo dhaafay, waxaana weli socda baadi-goobkooda.
Haweeneyda Askariyadda ee la baxsatay Maxbuuska ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Angela Magdici oo 32-jir ah, oo ilaaliye ka ah Xabsigaasi tan iyo sannadkii 2013-kii.
Maamulayaasha Xabsiga ayaa sheegay in Askariyada iyada iyo Askari kale ay Shaqada Ilaaladda Xabsiga ku wada qornaayeen habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay, balse, markii uu Askariga kale seexday ayey u adeegsatay Furaheeda Elektoroonikadda ah si ay Xabsiga uga soo saarto Maxbuuskii ay jeclayd.
Waxaa la rumeysan yahay inay ku baxsadeen gaari noociisu ahaa BMWXI, kaasi oo la sheegay inay Askariyadda iyo Maxbuuska wada iibsadeen.
Waana baxsadkii ugu horreeyey ee uu Maxbuus ka baxsado Xabsiga Limmattal prison tan iyo sannadkii 2010-kii.
Nin la sheegay inay xaas u ahayd Askariyadaasi oo lagu magacaabo Vasili Madici ayaa u sheegay Warbaahinta dalka Switzerland inay isaga iyo Angela kala tageen muddo 3 bilood ka hor.
Waxa uu Kala-tagooda ku fasiray, kadib, markii uu yaqiinsaday inay Nin kale heshay.
Waxa uu sheegay inay isbarteen, oo uu guursaday sanadkii 2014-kii, isla markaana uu jeclaa inay ilmo u dhasho.
“Aad baan u jeclaa, waxaana rabay inaan ilmo ka helo, laakiin 3 bilood ka hor ayey ii sheegtay inay rabto inay kala tagaan” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay alaabta guriga raratay, xilli uu ka maqnaa.
Vasili Madici oo 25 jir ah, kana soo jeedo asal ahaan dalka Romania, waxa uu qirsan yahay in uu Xasan Kiiko kala wareegay xaaskiisa, isla markaana uu ogaa inuu qoraal SMS ugu soo diri jiray Mobaylkeeda.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta Central European News ayuu ku sheegay inuu isagu rumeysan Diinta Orthodox Christian, halka ay Xaaska lagala wareegay sheegay inay aaminsan tahay Catholic.
Waxa uu tilmaamay inuu hal isbuuc ka hor intaysan kala tegin uu arkay iyadoo bilowday inay akhrisato Qur’aanka Kariimka.
“Aniga waxa keliya ee aan aqoono waa Buugga Bible-ka, wax ra’yi ah kama haysto sababta ay sida kedisaka ee ay u xiiseysay Qur’aanka” ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inuu la yaabay, markii ay dooratay inay Muslim noqoto.
Waxa uu tilmaamay inay daawan jirtey Filimadda Documentary-ga ee ka hadlayo Arrimaha dalka Syria, waxayna daawashadda Arrimaha Syria ku seegi jirtey inay seexato.
Waay sheekadani ku soo xasuusinaysaa ruwaayad Somali ah oo la orann jirey jeel iyo jacayl.
Turjumadi Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![Jaceyl-waalan[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/Jaceyl-waalan1.jpg)
![Jaceyl-waalan4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/Jaceyl-waalan41.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay