X

Sawirada ciyaartii dhexmartey Banaadir iyo Kismaayo

Sawirada ciyaarta dhexmartey Banaadir iyo Kismaayo. Tartankan ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.



Taageerayaal aad u fara badan oo ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, watayna calamada Jubbaland, Gobolka Banaadir iyo Calanka Soomaaliya ayaa ka soo qeyb galay cayaartan.

ayaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa 2-1 ugu dambeyn ku badiyay xulka Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta ku dhigeen Saddexdii dhibcood ee ugu horeysay Tartanka.



Wasiirka Dhalinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay Tartankan in si wanaagsan uu ku bolowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhamaado iyada oo aysan jirin tabasho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.