X

Sawirada dabkii khasaaraha dhaliyay ee ka kacay Garoowe iyo dad loo xirey

Sawirada dabkii xooganaa ee ka kacay Garoowe. Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, ayaa ka dhashay dab gelinkii dambe ee Salaasadii ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taala magaalada Garoowe.



Duqa Magaalada Garowe Xasan Goodir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen waxyaabihii dabkaasi kiciyay, islamarkaana ay Hay’adda Ammaanka Puntland ay baaritaano kala duwan ku waddaan.



Inta la xaqiijiyay dabkaasi waxaa ku dhintay Afar qof , waxaana sidoo kale dhaawac culus  uu soo gaaray Afar oo kale sidda uu sheegay duqa Magaalada Garowe.

Diyaarad ayaa Maanta ka qaaday magaalada Garoowe dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay dabkaasi.



Dabkan oo aanan la ogeyn waxa sababay ayaa waxa uu ka kacay Geerish ay leedahay shirkadda Taran, kaasi oo lagu xareeyo Baabuurta, sidoo kalena ay yaalaan qalab dhismo oo shirkadda ay leedahay.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.