24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sawiro: dadkii ka badbaaday doontii Masar ka tagtey iyo waliba iyagoo ka carooday in Giriiga la geeyay

Sidaay ku warameen wargeysyada Giriiga waxa Giriiga soo gaaray ilaa afartaneeyo laga soo badbaadiyay Markab habeenimo gadoomey kadib markii la buux dhaafiyay laguna soo daray doon shiraac oo ay saarnaayen dadka kale oo farabadan.

Sababta loogu wareejiyay doontaa markii horeba ay saarnaayeen dadka badani ayaa lagu sheegay in ay tahay in kooxdii tahriibinaysay ay rabeen in ay doontaas dadka kale ku soo tahriibiyaan.

Sida uu sheegay Markab laga lahaa Filibiin oo iyagu ahaa kuwii soo badbaadiyay afartaneeyaha qof oo iskugu jirey Somali, Itoobiyan iyo Suudaani ayaa wuxuu sheegay in dadkan laga badbaadiyay meel aan cidla ciirsila ah oo aan beri u dhaweyn.

Waxay sheegeen in dadka qaar ee la soo badbaadiyay oo Somali ku jirto ay ka caroodeen halka loo qaaday oo ah Giriiga laakiin iyagu filayeen in ay tagaan Talyaaniga.

Waxana dhexmartey sheekadan

Soo dega waxa la gaaray Giriiga

Nin Somali ah..intaas oo dhan ayaan soo rafaadney hadana waxaad na keentay Giriiga ma degayno ee Talyaniga na gee.

Ninkii Markabka Filibiinka waday; oo sow kumaanaan badbaadin hadana ma tan ayaad noogu dartey adigoo dhimanayay.

Intaas kadib waxay go’aansadeen in ay iskood uga degaan Markabka halkaas oo masuuliyiin Giriiga ah sheegeen in dib loogu celin doono dalalkooda maadaama ayna ahayn Siiriyiin.

Waxa shiki la geliyay halka ay ka yimaadeen iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in ay ka yimaadeen Liibiya halka iyaguna ay sheegeen in ay Masar ka yimaadeen, waxana muranka keenay labada dad ee laysku daray.

Dhacdadan ayaa dhacday markay bishu ahayd 16/04/2016 oo ahayd habenimo Axadu soo galayso xilliga la soo badbaadiyay intan halka dadkii kale ee la socdey ay habeenimadaa iyagu aftooda waayeen.

_89296854_89296853[1] _89299791_032527658-1[1] _89300772_89300771[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS