11/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sawiradii u dambeeyay weerarka Ciraaq ku xoreynayso magaalada xadaarada leh ee Moosul

Waxa xalay bilowdey weerar argagixisada ugu xun ee Daacish looga xoreynayo magaalada xadaarada weyn ee rasuulada badankoodu soo mareen. Waxa jidka aada Moosul lagu arkayaa kaliya ciidanka Ciraaq.

Waxana la baadigoobayaa argagixisada oo guryaha dadkii ay qixiyeen ku daba jira kana dhiganaya gabaad. Arintaas oo walaac ku abuurtey dawlada Ciraaq.

Ra’isul wasaaraha Ciraaq, Haider Al-Abadi ayaa shaaciyay milateriga dalkiisa ay dhowaan soo afjari doonaan kooxda Daacish kana saari doonaan magaalada. Mosul.
Mr Abadi oo duulaanka saqdii dhexe ee xalay ka shaaciyay telefishinka Qaranka ayaa sheegay in la gaaray wax uu ugu yeeray (Saacadii la sugayay) ayna soo dhawdahay guul ballaaran.”

Hubka culus ayaa laga maqlayay deegaanada u dhow Mosul, iyadoo ciidamada Ciraaq ay isku dayayaan iney go’doomiyaan magaaladaas oo shan sano ka hor u gacan gashay kooxda Daacish.

Qabashada magaalada Mosul ayaa la sheegay iney horseedi doonto in kooxda Daacish gebi ahaanba looga adkaado Ciraaq hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka Mosul uu muddo dheer qaato.

Ku dhawaad 300 oo kun oo askari oo Ciraaqiyiin ah ayaa ka qeyb qaadanaya duulaanka Mosul looga saarayo kooxda Daacish, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ay sheegtay in UNHCR ay fileyso in boqolaal kun oo qof ay ka qaxaan Mosul todobaadyada soo socda.

mos2[1]mos3[1]