Sawiradii ugu dambeeyay abaaraha dalka ku habsadey ee ay keentay dawlad la’aantu ayay naga soo gaadheen deegaano ka tirsan gobolka Bay ee Koofur galbeed Somaliya.
Deegaanada Awdiinle iyo Goofgaduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin ugu badan ee saameynta adag ku yeeshay nolosha.
Dadka deegaanka ayaa waxaa saameeyay abaaraha iyo Xanuuno ka dhashay abaarta, iyadoo isbitaalada qaar ay buux dhaafiyeen dad waaweyn iyo carruur ay soo riteen xanuunada.
Dawlad xumada ka jirta dalka ayaa keentay in abaar laga hortagi karo qaasatan dhinaca biyaha ay dad badan iyo xoolo badan ku dhintaan deegaanada dalka oo dhan guud ahaan.
Dadka ayaa Isbitaalo ka dhigtay hareeraha waddooyinka waxaana arkeysaa waddooyin dhowr ah oo la xiray isla markaana laga dhigayo Isbitaalo KMG ah.
Dadka ayaa ah kuwo la nool caafimaad darro, daawo la’aan iyo biyo yari, mana jirto wax maamul jufeedyadu ay qabtaan aan ahayn in ay dulin ku noqdaan hooyooyinka tamaandhada gada.









C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay