18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sawiradii ugu dambeeyay caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo dhamaadey

Waxa la soo afmeeray caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo u dhacay si qiimo leh waxana madaxdii ku guda jirtey isku diyaarinayaan in ay dalalkooda ku noqdaan.



Madaxda ka qeyb gashey Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Jabuuti, Madaxweynaha dalka Kenya, Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweyne kuxigeenka dalka Sudan ,Wasiiro iyo madax kale.



Munaasabada goordhaw bilaabatay waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha la caleema saarayo Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, R/Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.




C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS