November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sawiradii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Laascaanood

Waxa welli socda dagaal xabadu u dhacayso dhinacyo badan una dhexeya dadka deegaanka iyo ciidan soocan oo ka yimi Hargeysa. Waxana lagu jiraa sidii loo dejin lahaa.

Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay korodhey oo ay hadda tahay laba oo markaasi la sheegayo in dhimashada labaadna tahay qof shacaba oo rasaasta hoos loogu dhigey.

Dadka gadoodsan oo ku dhawaaqayay SNM ha baxdo ayaa la wareegay saldhigii xabadu ka soo dhacday oo uu maamule ka yahay nin Hargeysa laga keenay, halka dadka deegaanku shaqo la’yihiin.

 

Laascaanood1.JPG4Laascaanood1.JPG2Laascaanood1.JPG3Laascaanood1Laascaanood1.JPG5

Maxamedd Yuusuf

ARAABINEWS