Weerarkii ay Maleeshiyada Shabaab ku qaaday Xarunta Ciidamada Kiiniya ay ku lahaayeen Magaalada Ceel-Cade ee gobolka Gedo,oo subaxnimadii hore ee Saaka Gacanta u gashay Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo Weerarkaas ku qaaday Xaruntaas ayaa waxaa ka soo kordhay Xaalado Culus oo dadka deegaanka iyo Saraakiisha Kiiniya ka soo wada yeedhay markaliya.
Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo Warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in wali aan gacan lagu haynin,meel ay raq iyo ruux joogaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kiiniya iyo Askartii uu dagaalku ku qabsaday Magaalada Ceel-Cade,Waxayna xaqiijiyeen Maamulka Gobolka Gedo in ilaa hada dhulka duurka ah laga baadi goobayo Ciidamada Kiiniya ka tirsan oo firxatay.
Sida ay dadka Deegaanku Xaqiijiyeen Waxaa jira diyaarado kuwa loo yaqaano Helicapeterka oo dhulka hawdka ah wareegaya,kuwaas qayb ka ah baadi goobka Askarta Kiiniya,ee Dagaalkii ceel Cade lagu waayey,waxayna diyaaradahan inta badan wareegayaan dhulka Hawdka ah.
Dhanka Kale argagixisada shabaab ayaa Soo bandhigtay Guutadii Weerarka ku qaday Saldhigaas oo ay oo ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan,Wuxuuna ahaa Saalax Hogaamiye argagixisada ka tirsan oo diyaaradah dagaalka dalka Maraykanku ay ku dileen Soomaaliya.
Waxay sheegeen in ay Guutadaas oogu Magac dareen Saalax Cali Nabhaan oo dalka Kenya in uu ka soo jeeday ay sheegeen ayna dileen diyaardaha marayakanka ee Al-Shababa duqaymaha u gaysta.
Maleeshiyada argagixisada shabaab waxay horay u sheegatay Weeraradii lagu qaaday ciidamada Ugandha iyo Burundi,Waxayna Sheegeen in ay Weeraradaas oo ugu magac dareen hogaamiyihii Al-Shabaab,Axmed Cabdi Godane.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![SAWIR[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/SAWIR1.png)
![SW[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/SW1.png)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay