Waxa baryahan soo baxayay warar sheegaya in madaxweynaha urur diimeedka akhwaanka ee Turkiga Erdogan uu ku soo jeedo Muqdisho iyadoo la filayo in uu xariga ka jaro safaarad baaxadleh oo laga siiyay meel ka agdhow badda oo si raaxo leh uu ugu noolaan doono safiirkooda jooga Muqdisho.
Turkiga ayaa si xoogleh uga qaybqaatey dib u dhiska Muqdisho waxana lagu tilmaamay safaarada tan ugu weyn ee ku taal geeska Afrika iyo aduunkaba. Waxa welli cagajiidaya wadamada kale ee Yurub in ay safaarado ka dhistaan Muqdisho iyagoo ka baqaya in amniga magaaladu ahayn mid laysku halayn karo.
Dhismahaani cusub ee Safaarada ayaa noqoneysa kii ugu weynaa oo ay Turkiga ku yeelato Caalamka, waxa uuna u dhigmaa inkabadan 80 boos oo saf ah.
Dhismahaani ayaa waxaa maalmaha soo socda daah furi doona Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogaan oo isaga lagu wado in maalinta Jimcaha uu soo gaaro magaalada Muqdisho.





Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Safaarad-Turki5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/06/Safaarad-Turki51-300x200.jpg)
![Safaarad-Turki4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/06/Safaarad-Turki41-300x201.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay