Dhul gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.8 halbeyga dhul gariirada lagu cabiro, ayaa xalay ku dhuftay xeebaha dalka Ecuador, iyadoo uu socday qaddar lagu qiyaasay 40 ilbiriqsi.
Saraakiisha Dowladda, ayaa waxay sheegeen in burbur lixaad lihi uu gaystay dhul gariirkan, lana arkaayay dhismooyin fara-badan oo burburaaya.
Madaxweyne Ku Xigeenka Ecuador, Jorge Glas oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu xaqiijiyay in 77 qof ku dhimatay dhul gariirkaasi, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.
Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyay lix gobol oo dalkaasi ka tirsan, isla-markaana ay ka baqdin qabaan in dhul gariir kale uu ku dhufto dalka.
Goobta xudunta u ahayd, isla-markaana uu ka bilowday dhul gariirkan, ayaa 170km u jirta Magaalada Caasimadda ah ee Quito. Qaybo ka mid ah Caasimadda waxaa ka go’ay korontadii iyo isgaarsiintii ka jirtay.
Mar sii horeysay, ayay ahayd markii digniino laga bixiyay in mowjadaha dhul gariirka Tsunami uu ku dhufan karo xeebaha dalalka Ecuador iyo Peru.
Peru oo deris la ah Ecuador, ayay masuuliyiintiisu soo saareen digniino ka dhan ah in dhul gariirka Tsunami uu ku dhufan karo xeebaha waqooyi ee dalkaasi.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS














Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay