Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxayey warar sheegaya in Kenya ku soo durugtay gudaha xadka Soomaaliya, Isla markaana wax ka bedeshay calaamadihii xuduudka. Dawladda Soomaaliya oo ka jawaabaysa qaylodhaantaasi, ayaa wafdi ballaaran oo ka kooban Xukuumadda, Baarlamanka iyo Gudiga Xuduudaha u dirtay Beled Xaawo.
Wafdiga oo uu hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga Sarreeye Gaas Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxaa ku soo biiray wafdi ka socday Dawlad Goboleedka Juballand.
Haddaba, booqashadan xaqiiqo raadinta ee wafdigu ku tegay Beled Xaawo oo aan ka mid ahaa, waxaa ka soo baxay war horu-dhac ah.
• 1. In derbi la dhisay noo muuqan
•
• 2. In aanu noo muuqan Calaamad xuduudeed la beddelay
•
• 3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay