Doon ku degtey badda u dhaxaysa carabta iyo Yurub oo ay saarnaayeen boqolaal tahriibayaal ah oo naftood haligey markey fuuleen meel naftooda halis gelinaysa ayaa markii ay degeysay waxaa ciidamada badda ee Talyaaniga oo gurmad u fidinayay dadkan ay sawiro qaabka ay doonta u degtey ka qaadeen.
Tahriibayaal gaaraya 562 ruux ayaa laga soo badbaadiyay doontan,waxayna doontan u degtey kadib markii ay dadkii saarnaa ay hal dhinac u soo wada carareen kadib markii ay arkeen markabka doonayay inuu badbaadiyo waxayna taasi sababtay in ay doontu degto iyadoo ay ku dhinteen shan ruux halka dadkii kale la badbaadiyay.
Markab lagu magacaabo Bettica ayaa u daadiyay tahriibayaashan oo badda ku wada dhacay jaakadaha lagu dabaasho halka markab kalana uu u direy doomanka wax badbaadiya.
Sidoo kale markabkan ayaa waxa uu maanta oo Arboco ah uu soo badbaadiyay 108 kale oo ah tahriibayaal ka soo raacay doon dalka Libya.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dad gaaraya tiradooda lix kun oo doonayay inay galaan qaarada Yurub waxaa laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa carabta iyo Yurub.
Hay’adaha gargaarka ayaa ku tilmaamay marinka u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga inuu yahay kan ugu badan ee ay dadka ka soo galaan qaarada Yurub tan iyo markii Midowga Yurub uu heshiis la gaaray dowlada Turkiga taasoo lagu xadiday tirada ka soo gudbaysa badda Aegeanka ee soo gaareysa dalka Giriigga.
Dhinaca kale, howlgalo lagu baadigoobayo dooni ku degtey xeebaha Libya bishii April ee sanadkii ayay bilaabeen ciidamada badda ee dalka Talyaaniga.
Illaa 700 oo tahriibayaal ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen doontan iyadoo ay ahayd tiradii ugu badneyd ee hal mar naftooda ku waaya badda Mediterraneanka.



Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay