Haweenka Puntland ayaa qayb ka ahaa Ciidamada Puntland ee ka dagaalamayay Jiida hore ee deegaanada hoostaga Garacad iyo Togga Suuj kuwaas oo dagaal xoogan la galay dhiigmiiratada soo adeegsaday iskana soo horeysiiyay caruur aan qaangaadhin una sheegay in ay waxbarashio u socdaan.
Dhiigmiiratada Ayaan qof qofkale la hadlin si ayna u ogaan una suaalin halka ku socdaan iyo waxa ay samaynayaan in ay tahay xaaran iyo xalaal sida la wada ogyahay. Deegaanada ay weeraraan ayay ugu sheekeeyan in gaalo ka taliso soona xoreynayaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa haweenka geesiyaasha ah ugu hambalyeeyay sida ay uga go’an tahay inay Difaacaan Puntland.
Haweenka Qaarkood waxay u sheegen Madaxweynaha inaysan ogolaanayn in amniga Puntland uu isbadal ku yimaado una gacan galo dhiigmiirad aan la dhaqan iyo fikir ahayn ummada Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay