X

Sawiro sida cadowga ummada Somaliyeed ee argagixisada u jecelyihiin in aan waxba ka dambeyn

Dhawaan ayay ahayd markii argagixisada shabaab weerar Ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Booliiska degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose.

Qaraxan ayaa ahaa mid ay dad badan la yaabeen, waxaana goobtii ciidanka booliisku noqdeen goob burburtey waxana isla goobta halmar la waayay dadkii ka shaqaynayay iyo agabkii yaalay.

Argagixisada caalamiga ah e argagixisadu ka mid yihiin waxay can ku yihiin in magaalo iyo dad iyo waxay ku noolyihiin aan midna ka dambeyn. Waana diintooda cusub waxa hagaya.

Qaraxan ayaa ahaa mid ay dad badan la yaabeen, waxaana uu reebay arrin reer Afgooye mucjiso ku noqotay kadib markii la sheegay in shacabka ay garan waayeen halkii uu saldhigga ahaa.

Dhammaan waxaa burburay saldhigga, gaadiidkii meesha yaallay iyo sidoo kale wax walbo oo agab ahaa oo halkaasi lagu shaqeynaeyy, iyadoo meesha dhagxaan ay isugu soo hareen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.