Dadka gaajo ka cararka ah ee doonaya in ay galaan wadamada Yurub ayaa bilaabay farsamooyin cusub ay ku doonayaan in ay ku galaan qaar kamid ah Wadamada Yurub , si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta mida ay dalalkooda ku heestaan.
Muqalasiinta dadka tahriibiya ee kunool dalka Marooko ayaa bilaabay farsamooyin layaab leh ay ku doonayaan in dadka muhaajiriinta ah ku galiyaan dalka Spain, waxa ayna dadkaasi ku qariyaan qeybo kamid ah gaariga ay wataan.
Ciidamada Spain ayaa maalmo kahor xadka Moroko iyo Spain waxa ay ku qabteen gaari lagu soo qariyay nin Tahriibe ah, ninkan ayaa lasoo galiyay gaariga qeybta Kiristaalaha halkaas oo la jiifiyay kadibna lagu qariyay.
Waxaa horey Ciidamada Spain sidan oo kale u fashiliyeen una qabteen dad Tahriibayaal ah oo sidan oo kale qeybo aan la arki karin oo gaariga kamid ah loogu soo qariyay iyo dad kale oo iyana boorsooyin lagu xiray.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![isba_2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/isba_21-300x169.jpg)
![isba_1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/isba_11-300x169.jpg)
![isba_1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/isba_11.jpg)
![isba_3[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/03/isba_31.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay