12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saxaafada Somalida oo been ka qorey nin farshaxaniiste ah oo soo bandhigey qof buga oo uu gacantiisa ku sameeyay

Dalkaasi Australiya ayaa nin farshaxaniiste ah uu ku soo bandhigey nin uu gacantiisa ku sameeyay oo buga uguna magac darey magaca gaalada ee Graham oo uu ku sheegay in dadka haddii ay noqon lahaayeen sidan ay ka badbaadi lahaayeen dhacdooyin badan oo ku dhaca sida shilalka.

Ninkan uu gacantiisa ku sameeyay ayuu u ekaysiiyay dadka bani aadamka laakiin uu u sameeyay madax weyn oo bilaa qoora waayo ayuu yiri qoortu way jabtaa xilliga la galo shilalka, wuxuu kaloo u yeelay lugo uu leeyahay way liicsami karaan.

Wuxuu kaloo u sameeyay feedho uu leeyahay way u adkeysan karaan shilalka waaweyn. Wuxuuna aaminsan yahay in shil gaadhi uu ka lugeyn karo. Ninkan ayaa farshaxankiisa dadku u soo daawasho tagi doonaan ilaa bisha sideedaad.

Waxaanse wax lagu qoslo ah saxaafada Somalida qaar oo u qaatey nin suuxdin ka soo kacay oo kadibna isku bedelay SIDAN. Waxayna muujinaysaa in dadku dhowr jeer u fiirsadaan waxa ay qorayaan dad ehel u ahayn ama aqoon u lahayn waxay qorayaan.

BBuCW5K[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS