November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Saxiixayaasha cusub oo war qoraala ka soo saaraya fikirkooda ku aadan doorashada iyo dadka Somaliyed oo caraysan

Saxiixayaasha cusub ee Somaliya ee afarta ah ayaa la filayaa in ay qoraal ka soo saaraan qaabka doorasho ee ay isku raaceen waxase walaac ka muujiyay saxiixayaashan cusub ee ka dul boday barlamaanka shacabka Somaliyeed ee aan ku qabiil ahayn sadexdan oo iyagu la wareegay masayrka ummada.

Xasan Sheekh, inadeerki C/kariim Gulled, Axmed Madoobe o Kiiniya wadato iyo Shariif Xasan ayaa u fadhiya in ay qaataan go’aano iyaga u gaara iyagoo ka kor boodaya barlamaanka. Beesha balaadhan e DIR ayaan iyadu wax go’aana ku lahayn arinta Somaliyeed.

Waxa kale oo iyagana laga kor boodey aqoonyahanada iyo waxgaradka Somaliyeed oo talo siin lahaa sadexdan hore u fashilmey ee qaadan kari waayay go’aan doorasho markii ay ku kulmeenĀ  Kismaayo halkaas oo C/welli Gaas uu isagu qaatey go’aan reerkiisa uu filayo in uu dan u yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS