Saylici oo qarsoodi kaga baxay Hargeysa iyo muran soo kala dhexgalay isaga iyo Maxamuud Xaashi. Maxamuud Xaashi ayaa eryay Cali Xaamud Jibriil oo ahaa gacanyaraha Saylici tasina ugu weyn tahay muranka jira.
Warar soo ifbaxaya ayaa sheegaya in Saylici tirsanayo in aan waxba laga ogaysiin oo aan lagu ixtiraamin wasiirka gacantiisii midig ahaa ee laysku tirin jiray, halka taa badalkeeda xataa aan sidda uu tirsanayo loo sheegin cidda booskan buuxinaysa oo laga dhigay wasiir aanay isku calool fayoobayn Saylici oo ah Axmed X Daahir Cilmi wasiirkii hore ee warfaafinta wakhtigii Xukumaddii Daahir Riyaale.
Waxaa aad loo hadal hayaa in uu dibadda u soo wadda baxo oo uu xoogaysto is-maandhaaf ka dhalan kara xil ka qaadista Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha oo Madaxwayne Siilaanyo aanu waxba kala socon xilka qaadistiisa.
Halka wararka qaar sheegayaan in uu arinka dabadda ka riixayay wasiirka madaxtooyadda taasina aya tahay sababta uu Saylici aad ugu biyo diiday.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay