31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saylici oo Siilaanyo hor dhigey cabashooyin ku aadan in aan waxba loo ogoleyn

Saylici ayaa Siilaanyo markuu ka soo noqdey Ingiriiska hordhigey cabashooyin ku aadan in aan habayaraatee loo ogoleyn wax shaqo lagana hor istaagey dhamaan shaqadiisii.

Saylici ayaa qaata lacag ka badan $7000 oo doolar oo laga soo ururiyo islaamaha yaanyada iyo kuwa caanaha iibiya gobol dadkiisu aad u fiqiir yihiin.

Waxana jirtey in Siilaanyo laftiisu aan waxba faraha ugu jirin muddo shan sano ka badan oo inta badan ay hawsha maamulka iska wataan reerkiisa iuyo xaaskiisa.



Mudadaas Siilaanyo xanuunsanayo waxay ahayd in Saylici lagu wareejiyo xukunka sida uu dhigayo dastuurka maamulka laakiin taasi ma dhicin Saylicina ma raadsan.

Calaacalka Saylici hordhigey Siilaanyo ayaa yimi kadib markii ehelada Siilaanyo ku guuldaraysteen socdaal ay ku tageen Imaaraadka kadibna ay ka codsadeen in loo diro Saylici laakiin SAylici diidey hordhigeyna calaacal ku aadan in loo diidey in uu qabto hawshii ku simaha.



Saylici ayaa ku calaacalay in aan talooyinka kalaba laga wargelin hadana u socon Imaaraadka markii xaalku xumaadey. Wararka ayaa intaa ku daraya in markii dambne lagu qanciyay in uu tago Imaaraadka kadib markuu gudbiyay cabashooyin uu muddo la aamusnaa.

Safarkan waxa ka hadhey wasiir Sacad Cali Shire oo ahayd in isagu ka hadhin. Ilo wareedyada warkan aanu ka helnay ayaa sheegay in uu tagi doono Itoobiya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS