22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saylici oo u waramay idaacada codka Maraykanka ayaa wax laga waydiiyay abaaraha iyo roobkaa la waayay

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici ayaa waraysi ay la yeelatay idaacada codka Maraykanka ayaa wax laga waydiiyay abaaraha sadex jirsaday ee hadda qaylodhaan loo dirayo..wuxuuna ku jawaabay in gobolada Awdal iyo Salal ay roob la,aani haleeshay.

Hay’addaha samafalka ee ka howgala Somalia ayaa ku dhawaaqay in galbeedka  Somaliland ay ka jirto abaar aad u daran oo ay ilaa imika ku dhinteen 13 qof.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici, ayaa sheegay in abaarahan ay ka dhasheen roobab la rajeynaayay xilli roobaadyada oo aanan sidii la rabety u di’in. Saylici ayaa tilmaamay in ay qeylo dhaan u direen hay’adaha caalamiga ayna suura gal tahay in ay abaartu saameyso illaa iyo in ka badan 40 kun oo qoys.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM