11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saynisyahan Yuhuudi ah oo cabsi weyn gashay kadib dilka saynisyahanka Iiraan

Yuhuuda ayaa fartey dhamaan saynisyahanadeeda jooga dalka inay si aada u digtoonaadaan kadib dilkii loo gaystay saynisyahankii Iiraan ee dhinaca Nukliyeerka. ”Waxaan leenahay dhamaan Yuhuuda joogta bariga dhexe iyo Eeshiya inay muujiyaan taxadar dheeraada ayuu yiri qoraal ka soo baxay arimaha dibedda.



”Iiraan waxay akhrinaysaa internet-keyga, waxaan hadda isku dayaa inaanan socon wadadii aan shalay oo aan bedelo dariiqa aan maro ayuu yiri Yuhuudi saynisyahana oo ka shaqayn jirey xarunta weyn ee Nukliyeerka Yuhuuda.

Cabsida ah in Iiraan aargudato ayaa ku abuurtey baqdin aan hore loo arag Yuhuuda, waxayna sugayaan halka weerarka ugu horeeya ka dhici. Waxay ka digeen wadamada Asarbajaan, Baxrayn, Imaaraadka, iyo Kurdiyiinta Ciraaq inay yihiin goobaha yoolku saaranyahay.



Si kastaba ha ahaatee Iiraan ayaa sheegtay inay u ari doonto xilliga ku haboon oo iyadu dooratey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS